Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqday in aysan ku qanacsaneyn iska horimaadkii ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan ku qanacsaneyn iska horimaadka ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jawhar


Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay maanta oo Sabti ah ku sheegtay in aysan ku qanacsaneyn iska horimaadkii ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Ilaalada Madaxtooyada maamulkaasi iyo Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya loo yaqaano. sida "Dneb."

Wasaaraddu waxa ay tilmaantay in ay xanuunka la qeybsaneyso Saraakiisha iyo Askarta ay waxyeeladu soo gaartay, waxaana ay intaa ku dartay in Taliska Ciidanka Xoogga dalka iyo Maxkamadda Ciidamada ay bilaabeen baaritaanka falkaasi, si sharciga loo horgeeyo.

Sabtidii, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, Luqmaan Xaaji Maxamed, ayaa ku eedeeyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran inay weerar ku soo qaadeen kolonyo uu la socday, wuxuuna tilmaamay in dhacdadaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ku xigeennada, sidoo kalena ay ku dhinteen qaar ka mid ah ilaaladii la socotay, waxaana uu ku micneeyay. waxay jawaab ka sugayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Iska horimaadka ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ayaa waxa uu ka dhashay iska hor imaad mar kale ka dhacay Jawhar kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidamo gaar ah, kaasi oo sababay dhimashada Askari ka tirsan Ciidamadaasi.

Post a Comment

0 Comments