Somaliland ayaa uga digtay golaha ammaanka inay ka mid noqdaan meelaha ay ka hawlgalaan ciidamada Midowga Afrika
Xukuumadda Somaliland Oo Digniin U Dirtay Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay
Dawladda gooni-isu-taagga Somaliland ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga digtay in dhulkeeda uu ka mid noqdo goobaha ay ka hawlgalaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMS).
Xukuumadu waxay ku tidhi war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradeeda Arrimaha Dibadda, waxaanay u dhignayd sidan: “Somaliland waxay ka soo horjeedaa go’aan kasta oo ka soo baxay Golaha Ammaanku oo sheegaya in Somaliland ka mid tahay meelaha ay ka hawl-galaan hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya. "Somaliland waa dal madax-bannaan oo aan ka mid ahayn Soomaaliya."
Maxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka Somaliland
Warku waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay dhawr jeer ka hadashay mawqifkeeda ku wajahan shaqada hawl-galka Midowga Afrika, balse ay go’aansatay inay mar kale ku celiso, ka dib markii Golaha Ammaanku soo saaray go’aan lagu balaadhinayo hawlaha hawl-galkaas oo ay Somaliland ku dari karto deegaannada Hawlgalka Midowga Afrika ayaa shaqeeya.
War-saxaafadeedku waxa uu intaas ku daray: “Sida ku cad xog-ururintii Midowga Afrika ee Somaliland sannadkii 2005-tii, Somaliland waxay leedahay sifooyin dawladnimo oo casri ah, sidaa darteed Somaliland marna kamay mid ahayn meelaha ay ka hawl-galaan hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Somaliland waxay ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay wax ka bedel ku sameeyaan qaraarkooda ka dhigaya Somaliland mid ka mid ah meelaha ay hawl-galka Afrika ka shaqayn doonaan, iyo in la ixtiraamo madax-bannaanida Somaliland.
0 Comments