Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Bankiga Catalim

 Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Bankiga Ziraat Katilim ee dalka Turkiga


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre

Hamza Abdi oo qaabilay madaxda Bankiga Ziraat Katilim

Isniintii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Katilim Ziraat ee dalka Turkiga oo xarun cusub ka furtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey madaxda bankiga cusub laan cusub oo ay ka fureen Soomaaliya, taasoo sare u qaadeysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Xamza Cabdi

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xamzah ayaa lagu yiri: “Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee Soomaaliya ka jira oo ay tahay in la maalgashado, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’ideystaan ​​kheyraadka dalkiisa”.

October 29, 2023, Bangiga Ziraat Katilim ee dalka Turkiga ayaa xarun ka furtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo noqonaya bankigii ugu horreeyay ee caalami ah oo ka howlgala Soomaaliya muddo ka badan 50 sano.

Post a Comment

0 Comments