Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya dalalkooda
Iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxweynaha Turkiga uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay wejigii koowaad ee halganka dalkiisa looga xoraynayo argagixisada, wuxuuna xusay in ciidammada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen in in ka badan 80 magaalo iyo gobol ay ka xoreeyeen argagixisada dhibaateysay muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo muhiimadda xiriirka:
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan walaalnimada labada shacab, danaha guud iyo aragtida labada dowladood, iyo taariikhda dheer ee labada dal u dhaxeysa, isagoo uga mahadceliyay Turkiga taageerada muuqata ee ay la garab taagan yihiin. ee dowladiisa iyo doorka ay ku leedahay la dagaalanka argagixisada.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaallada ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo caddeeyay in dowladda iyo shacabka Turkiga ay ka go’an tahay inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardar geliyo doorka dowladda Turkiga ee dhinacyada amniga, dhismaha dowladnimada, maalgashiga Soomaaliya, iyagoo sidoo kale isla gartay in la bilaabo dhameystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee labada dal ay horay u kala saxiixdeen.
0 Comments