Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Yurub Charles Michel

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Yurub


Xasan Sheekh iyo Charles Michel.

 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Midowga Yurub ee Brussels kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Yurub Charles Michel.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha, geeddi-socodka dowlad dhisidda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Michel ayaa bogaadiyay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo uu sheegay in ay lagama maarmaan u tahay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya ka dib sodon sano oo colaado ah oo horseeday barakaca malaayiin qof.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh la qaatay ka qeyb galayaasha shir madaxeedka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu madasha ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda amni ee Soomaaliya, guulihii ay dowladdu ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wax ka qabashada musuq-maasuqa iyo horumarka laga gaaray deymaha lagu leeyahay dalka.

Post a Comment

0 Comments