Wasiirka Maaliyada Oo Shaaca Ka Qaaday Horumarka Laga Sameeyay Barnaamijka Dib U Habaynta Maaliyada Dalka
Khudbadii Yahya Iman Aghi, ee shirka Wasaaradda Maaliyadda
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Aghi oo khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixiyay horumarka muuqda ee laga gaaray barnaamijka dib u habeynta maaliyadda dalka.
Wasiirka ayaa uga warbixiyay ka qeyb galayaasha kulanka warbixin ku saabsan kulamadii u dambeeyay ee uu la qaatay madaxda Bankiga Adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF, kaasoo todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Marrakesh ee dalka Marooko.
Mawduucyada ugu muhiimsan ee shirka Wasaaradda Maaliyadda
Waxyaabihii ugu waaweynaa ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa hanaanka deyn cafinta Soomaaliya, wuxuuna wasiirku ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya in guulo laga gaaro qorshahan muhiimka ah.
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu tilmaamay horumarka ballaadhan ee laga sameeyay dakhliga gudaha bilihii u dambeeyay, taas oo ka dhigan guul wax ku ool ah oo lagu ammaano.
Wasiirka ayaa sheegay in dakhliga gudaha ee dalka uu haatan gaaray heer uu ku dabooli karo mushaaraadka shaqaalaha dowladda, wuxuuna carrabka ku dhuftay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo in dakhliga dowladda uu ku filnaado kharashaadka shaqo ee xafiisyada dowladda.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu ku kalsoon yahay wada shaqeynta hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha ka taageera Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in hay’adahan iyo sidoo kale beesha caalamka ay rajo weyn ka qabaan guul laga gaaro hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda maraya heer gabo-gabo ah.
0 Comments