Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Brussels si uu uga qeyb galo shirka Global Gateway Forum
Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shirka caalamiga ah ee Gateway Forum
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, si ay uga qeyb galaan shirka caalamiga ah ee Gateway Forum oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 25-ka iyo 26-ka bishan October.
Madaxweyne Maxamuud ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka sare ee Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya ee ka dhacaya magaalada Brussels, iyadoo shirkan lagu wado in looga hadlo arrimo badan oo mudnaanta u leh Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kulamadii madaxda
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirkan muhiimka ah ee maanta ka furmaya Brussels, iyadoo ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 xubnood oo ka socda dowladda.
Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa ku baaqaya in la maalgeliyo howlgalada ciidamada ay ka wadaan dalka. Bishii Sebtembar, dowladda Soomaaliya ayaa codsi u dirtay golaha ammaanka si ay uga fiirsadaan joojinta 3,000 ee ciidamada nabad ilaalinta ah ee Soomaaliya looga saarayo muddo 90 maalmood ah.
Bishii la soo dhaafay, Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti iyo Uganda – oo wakiil ka ah shanta dal ee ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya (ATMS) – ayaa golaha ammaanka ee QM ugu baaqay in dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika muddo saddex bilood ah. .
Tan iyo bishii August, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kormeeray duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.
0 Comments