ay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo heshiis la gashay dowladda Soomaaliya

 Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ogolaatay inay Soomaaliya siiso 100 milyan oo doolar


Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Dowladda Soomaaliya

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo heshiis la gashay dowladda Soomaaliya

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay heshiis kula gashay sidii dalka loo gaarsiin lahaa kaalmo dhaqaale, iyadoo la raacayo barnaamijka loogu talagalay dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ee u baahan taageerada.

IMF ayaa war saxaafadeed ay soo saartay Arbacadii shalay ku sheegtay in Soomaaliya ay sii wadeyso hirgelinta isbedellada dhaqaale ee lagu xoojinayo hay’adaha dhaqaalaha iyo maaliyadda, isla markaana u gogol xaaraya in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay bisha December ee sanadkan.

Heshiisyada Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Dowladda Soomaaliya

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dalka lagu caawiyo muddo saddex sano ah lacag dhan 100 milyan oo dollar, kadib wadahadal u dhaxeeyay dowladda iyo koox ka socotay bangiga oo ay hoggaamineysay Laura Jaramillo oo bishii September ee sanadkii hore ka dhacay magaalada Nairobi.

"Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay dib u dhiska hay'adaha dhaqaalaha iyo lacagta," Jaramillo ayaa yiri. "Iyadoo loo marayo barnaamijka kaalmada dalka ee dakhligoodu yar yahay oo socda tan iyo 2020, Soomaaliya waxay sii waday inay hirgeliso isbeddello xooggan oo lagu xoojinayo hay'adaha dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ah."

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaadka sanadkan ay rajeynayaan in dalka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo balaayiin dollar ah.

Post a Comment

0 Comments