Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal beeleedyada ka socda dalka
Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada
Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka dhacay gobollo badan oo dalka ka tirsan, iyadoo ku eedeysay inay hurinayaan colaadahaas Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Faki oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Khamiista maanta ah, ayaa ka hadlay dilalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Doosmareeb iyo dagaal beeleedyo ka dhashay muran ka dhashay lahaanshaha dhul.
Mawqifka ciidamada dowladda ee ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab
Waxa uu ku eedeeyay Al-Shabaab in ay ka faa’ideysanayaan Qabaa’ilka si ay colaadda u huriyaan, waxa uuna sheegay in Ciidamada Dowladda ay ka go’an tahay in ay amniga iyo xasiloonida ka sameeyaan deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday, ayna sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa ku booriyay maamul goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle inay si deg deg ah wax uga qabtaan sidii beelahaasi dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa, wuxuuna caddeeyay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay gurmad kasta oo lagu joojinayo colaadaha.
0 Comments