Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen fatahaaduhu

 Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya


Xamza Cabdi Berri

Khudbadii Ra’iisul Wasaare Hamza Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo ka hadlay Shirka Maal-gashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in in ka badan Nus Milyan qof ay ku barakaceen, in ka badan hal milyan oo qofna ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro hooyooyinka, carruurta iyo haweenka ay saameeyeen fatahaadaha iyo dadka la ildaran cudurrada ka dhasha fatahaadaha.

Khudbadii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu u jeediyay shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay gacan u fidiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ka barakacay dalka, kuwaasi oo u baahan hoy iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamzah ayaa sidoo kale ka hadlay maalgashiga iyo sida ay dowladdiisu uga shaqeyneyso sidii loo heli lahaa maalgashi shisheeye si wax soo saarka gudaha loo kordhiyo, taasoo horseedi karta isku filnaansho.

Wuxuu intaas ku daray, "Xasilooni la'aanta iyo iskahorimaadyada gudaha waxay horseedi doonaan guuldarro in laga faa'iidaysto kheyraadka gudaha." Waxa uu intaasi ku daray in dhawaan ay Dowladdu ansixisay Hindise Sharciyeedka Maal-gashiga Shisheeye,islamarkaana la doonayo in Maal-gashadayaasha Caalamiga ah ay yimaadaan Soomaaliya oo ay Maal-gashi ku sameeyaan Dalka.

Post a Comment

0 Comments