Wafdi ka socda dowladda oo gaaray Baydhabo
Wafdi ka socda dowladda oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalix Axmed Jaamac ayaa maanta oo Talaado ah gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wafdigan oo ay ka mid ahaayeen Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya iyo Madaxda Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadantinimada, ayaa waxaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed “Leftagrin”.
Booqashada wafdigan ee magaalada ayaa ujeedadeedu tahay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta gobolka, isku dubaridka dadaallada gurmadka, iyo sidii gurmad iyo taakuleyn loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha.
0 Comments