Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa shaacisay inay gacanta ku soo dhigtay xubin ka tirsan Ururka Al Shabaab

 Nin ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho


Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa waxay shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigtay xubin ka tirsan Ururka Al Shabaab, ka dib hawlgal ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ay soo saareen sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qofka la qabtay uu qorsheynayay weeraro iyo waxyeelo uu u geysto dadka ku nool magaalada Muqdisho.

Xarigiisa ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay socdaan howlgalo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa beeleedka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ka wadaan gobollada dalka.

Post a Comment

0 Comments