Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea

 Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan dalka Eritrea


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii la socday ayaa maanta oo Axad ah ka dhoofay dalka, iyagoo ku sii jeeda dalka Eritrea, sida lagu sheegay war kooban oo xafiiskiisa kasoo baxay.

Madaxweyne Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea kula kulmo madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, ka hor inta uusan booqanin ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo muddo sanado ah tababar ku soo qaatay dalka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhiggiisa Ereteriya kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, marka laga soo tago arrimaha amniga, difaaca iyo xasilloonida gobolka.

Post a Comment

0 Comments