Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in labo bilood gudahood ay ku dishay 1,650 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeedu ay dileen 1,650 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, taasoo ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay labadii bilood ee la soo dhaafay ka sameeyeen maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalladaasi lagu dilay 1,650 xubnood oo ka tirsanaa ururkaas oo ay ku jiraan 19 taliyeyaasha ciidamada ah, halka in ka badan 550 kalena lagu dhaawacay.
Warku wuxuu intaa ku daray in ciidamada oo ay taageerayaan maleeshiyaad maxalli ah iyo saaxiibo caalami ah ay burburiyeen dhufeysyo ay ku sugnaayeen maleeshiyada, taasoo ku qasabtay qaar badan oo ka mid ah in ay isku soo dhiibaan maamulka.
Waxaa xusid mudan in tan iyo sanadkii hore ciidamada dowladda ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ballaaran oo ka dhan ah kooxda argagixisada ah.
0 Comments