Wasiirka Warfaafinta, Daa'uud Cawis Jaamac, ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhawaan dhacay

 Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ku dishay in ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab dagaal ka dhacay gobolka Mudug


Daa'uud Cawis Jaamac

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Cawis Jaamac ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal gacan ka hadal ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Shabeellooyinka ee hoostaga degmada Mudug ee Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa tilmaamay in in ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen dagaalkii ay ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo gacan saar la lahaa.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Khawaarijtu ay gabaad ka dhigteen keymo ku yaalla gobolka Mudug, ujeedkooduna ahaa in ay fariisimo ka sameystaan, balse ciidamada huwanta ayaa weerar ku soo qaaday, kuna guulaysteen in ay ka saaraan goobtii ay ku sugnaayeen, iyagoo sidoo kale ku guuleystay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaankaasi. Hubkii ay wateen maleeshiyada baxsadka ah ee Al-Shabaab.

Dowladdu waxay sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay Al-Shabaab loo geystay khasaare ba’an, isla markaana ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka ay u suuragashay in ay xoreeyaan degaannada ay kooxdaasi ku hoos jirtay gumeysiga.

Post a Comment

0 Comments