Ra’iisul Wasaaraha ayaa qaabilay Safiirka Finland ee Soomaaliya
Maanta oo Isniin ah, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Finland ee Soomaaliya, Birka Tapiola, oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo kor u qaadista taageerada Finland ee Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka ayaa Berri waxa uu ku nuux nuuxsaday in ay muhiim tahay in la garab istaago shacabka ku dhaqan deegaanada laga saaray Al-Shabaab iyo deegaanada ay ciidamada dowladda ka doonayaan in ay ka xoreeyaan.
Danjire Tapiola ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto baacsiga iyo ciribtirka dagaalyahannada Al-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.
0 Comments