Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday askarta dalkiisa ee ku sugan Eritrea

 Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xerooyinka lagu tababaro ciidamada Soomaaliya ee ku yaalla dalka Eritrea


Xasan Sheekh Maxamuud

Isniintii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday ciidamo ka tirsan dalkiisa oo tababar ciidan ku qaadanaya dalka Eritrea.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweyne Maxamuud oo uu wehliyo dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki ay booqdeen cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwa badda iyo cirka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Ereteriya sida ay dal walaalnimo ah uga qeyb qaadaneyso nabadeynta Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in ardayda qalin jebisay ay ka shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo xooggan oo mid ah.

Post a Comment

0 Comments