Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga oo aqbalay casuumaad uu u fidiyay dhiggiisa Soomaaliya oo uu ku yimid Muqdisho
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe uu casuumaad uu u fidiyay dhiggiisa Talyaaniga Lorenzo Fonta, si uu u yimaado Soomaaliya, iyadoo Lorenzo Fonta ay aqbashay.
Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Talyaaniga uu kulan kula qaatay Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, balse Baarlamaanka Soomaaliya ma aysan shaacin xiliga rasmiga ah ee uu imaan doono.
Labada mas’uul ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, waxaana sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii loo dhisi lahaa guddiga saaxiibtinimada labada Baarlamaan.
Mr. Lorenzo Fonta, Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa bogaadiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dadaallada ay dalka uga xoreynayaan Xarakada Al-Shabaab.
Taariikh ahaan Soomaaliya iyo Talyaanigu waxay wadaagaan taariikh qani ah oo soo jireen ah oo soo jireen ah ilaa xilligii gumaystaha oo ay Soomaaliya ku hoos jirtay gumaystihii Talyaaniga.

0 Comments