Qaramada Midoobay ayaa 15 milyan oo dollar u qoondaysay ka hortagga fatahaadaha Soomaaliya
Qaramada Midoobay ayaa qaaday tallaabooyin firfircoon oo wax looga qabanayo saameynta la filayo ee roobabka El Nino ee Soomaaliya iyadoo 15 milyan oo dollar u qoondeysay dadaallada wax looga qabanayo fatahaadaha.
Talaabadan ayaa jawaab u ah digniintii xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ee ku aadan dhibaatooyinka ka dhalan kara roobabkan.
Dhaqaalaha loo qoondeeyay ayaa ugu horeyn lagu jiheyn doonaa deegaanada nugul ee ka tirsan dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland oo ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ka dhashay fatahaadaha.
Goobahan ayaa la filayaa in ay wajahaan khatarta ugu badan ee fatahaada webiyada sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee bini'aadantinimo ee ka soo baxday xafiiska isku xirka arrimaha bini'aadantinimada.
Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegtay in in ka badan 1.2 milyan oo qof oo ku nool dhulka webiyada ay halis sare ugu jiraan fatahaado, iyadoo ka digtay in ilaa 1.5 milyan oo hektar oo dhul ah ay qarqin karaan haddii roobabku ay raacaan qaabka la filayo.
Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in qoondaynta lacagtan ay xaqiijinayso inay ka go'an tahay ilaalinta dadka nugul ee Soomaaliya ku nool xilli roobaadka (Oktoobar-December), markaas oo la filayo in saameynta El Niño ay si weyn u muuqato.

0 Comments