Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Mdubi) ayaa maanta oo Sabti ah Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Danjire Michael Nithfrianakis, kaasi oo ku yaala Magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Mudarbi iyo Danjire Nithfrianakis ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo sidii xasilooni loogu heli lahaa goobaha laga saaray Al-Shabaab.
Waxa kale oo doodahaasi lagu soo qaaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in gargaar degdeg ah la gaadhsiiyo deegaanadaas iyo dardargelinta taageerada dawladda Ingiriisku siiso dawladda, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha, Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Injineer Ismaaciil Axmed Ghar iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Khaliif Yuusuf Muxamed.

0 Comments