Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlaya ku xigeenka safiirka Mareykanka sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka ciidamada
Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa dib u cusbooneysiiyay ballan qaadkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga milateri ee ka dhaxeeya iyo wejiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamzah Cabdi Barre, oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Shane Dixon, ayaa si weyn ugu mahadceliyey taageerada hagar la’aanta ah ee Dowladda Mareykanka ay ka geysaneyso dhinacyada Ammaanka, Horumarka iyo Gargaarka.
Berri ayaa inta uu kulanka socday ku nuux-nuux saday in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dalka laga sifeeyo qatarta kaga imaan karta dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Danjire Dixon ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka la taaban karo ee ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshayaasha ay ku dooneyso in ay meesha kaga saarto saameynta iyo dhaq dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.

0 Comments