Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u cusbooneysiisay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhanka kalluumeysiga badda ee ay la gashay Shiinaha

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa dib u cusbooneysiiyay heshiiska is afgaradka ee dhinaca kalluumeysiga badda


Dowladda federaalka Soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u cusboonaysiisay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhinaca kalluumeysiga badda oo ay la gashay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, taas oo dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa qeybtan, loogana hortagi lahaa falalka kalluumeysiga sharci darrada ah.

Qoraalka ayaa dhigaya in doonyaha iyo maraakiibta Shiinaha ay si sharci ah uga kalluumeysan karaan badda Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa tilmaamay in tallaabadan iskaashatooyinka ay uga gol leeyihiin sidii kor loogu qaadi lahaa faa’iidooyinka labada dal.

Dhankiisa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya u jooga Chengzhou ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso xiriirka wada shaqeyn ee kala dhexeeya Soomaaliya iyo in ay bixiso taageerada lagama maarmaanka u ah horumarinta warshadaha kalluumeysiga ee dalka.

Post a Comment

0 Comments