Wasiirka Amniga Gudaha oo shir guddoominayay kulan looga hadlayay amniga oo Muqdisho ka dhacay
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cali (Duudishi) oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaali) ayaa shir-gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga oo Muqdisho ka dhacay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen saraakiisha laamaha kala duwan ee amniga.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga iyo wada shaqeyn dhexmarta laamaha kala duwan ee amniga, si loo dardar geliyo howlaha sugidda amniga magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagga khatarta maandooriyaha iyo dhaqan gelinta go’aanka dowladda ee ku aaddan ka hortagga in hub culus iyo mid aan sharciyeysneyn lagu dhex qaato caasimadda.
0 Comments