Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood ah oo ku saabsan furitaanka hawada

 Heshiis dhinaca hawada ah oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya


Soomaaliya iyo Kenya

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood ah oo ku saabsan furitaanka hawada labada dal, si ay duulimaadyo toos ah u sameeyaan, kadib wada hadalo u dhaxeeyay muddo bilo ah.

Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa u saxiixday wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Ferdowsa Cismaan, iyadoo dhanka kale Kipchumba Murkumen uu u saxiixay xoghayaha golaha wasiirada ee wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud.

Sida uu sheegay wasiirka Soomaaliya, heshiiskan ayaa u gogol xaaraya in shirkadaha diyaaradaha ee ka diiwaan gashan Soomaaliya ay duulimaadyo ku tagaan Kenya, isla markaana ay helaan xuquuqo badan oo dhanka duulimaadka ah.

Soomaaliya ayaa ka mid ah Suuqyada dhoofinta ee sida xawliga ah u koraya ee Kenya iyadoo Nairobi laga dhoofiyo alaabo qiimaheedu dhan yahay 64 milyan oo doolar shantii bilood ee ugu horeysay sanadkan, sida lagu sheegay xogta bangiga dhexe ee Kenya.

Post a Comment

0 Comments