Doolishi, Wasiirka Amniga Gudaha Somaliya, ayaa la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliya

 Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhanka amniga


Soomaaliya iyo Imaaraadka

Maxamed Axmed Sheekh Cali “Dudishi” Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al-Rumaythi.

Wasaaraddu waxay qoraalkeeda ku sheegtay in Wasiir Doodiishi iyo Danjire Jumaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinaca amniga.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa bogaadiyay garab istaagga dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada ay la garab taagan tahay heer kasta.

Post a Comment

0 Comments