Agaasimihii Madaxtooyada Somaliya Oo Ku Dhawaaqay Inuu Is Casilay

 Agaasimihii Madaxtooyada Somaliya oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, isla-markaana uu xaqiijiyay inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed


Xuseen Sheekh Maxamuud


Axadii, Xuseen Sheekh Maxamuud, Agaasimihii Madaxtooyada Somaliya, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, isla-markaana uu xaqiijiyay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya.

Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu u baahan yahay Hogaamiye xirfad iyo waayo aragnimo u leh horumarinta dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

Waxa uu intaa ku daray in uu sii wadi doono dadaalada lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya, isaga oo rajo ka muujiyay in shacabka Koonfur Galbeed ay ku garab istaagaan hogaanka maamulkaasi.

Waxaa xusid mudan in xilka dastuuriga ah ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdel Casiis Litfaghrin uu ku ekaa December 2022, balse sida uu dhigayo heshiis dhexmaray isaga iyo siyaasiyiin ka soo jeeda dowlad goboleedyada oo ay maalgalisay dowladda Soomaaliya, muddo sanad ah ayaa lagu daray.

Post a Comment

0 Comments