Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Rodri ayaa u digay kooxda Arsenal oo ay kula tartamayaan premier League xilli ciyaareedkan.
Rodri ayaa sheegay in Manchester City ay leedahay khibrad iyo maskax si ay ugu guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan.
“Ugu dambayntii waxa aan leenahay khibrad fiican, arintan waa mid iska caadi ah”ayuu Rodri yidhi.
“Waan ognahay in ay wali harsan yihiin 18-kulan iyo dhibco badan oo loo ciyaari doono, waan ognahay heerka horyaalka kulan walbana waa Final oo kale”.
“Waxaa laga yaabaa in xaalad kale oo uusan horyaalku sidan u fiicnayn, waxaan dhihi lahaa, “waa caadi” Laakiin horyaalku waa mid adag kulan walbana waa final”.
“Waanu is dajinaynaa waxana aan sii wadi doonaa in aan kulan walba u ciyaarno sida uu u yahay, waxa aan diirada saari doonaa nafteena”.
0 Comments