Inter Milan Oo Garaacday Ac Milan Siina Xejisatay Kaalinta 2-aad Ee Horyaalka Talyaaniga.

Inter Milan


Kooxda Inter Milan ayaa garaacday kooxda ay jaarka yihiin ee Ac Milan   kulan Milan Derby kana tirsnaaa horyaalka Talyaaniga.


Kooxda Inter Milan ayaa marti galisay kooxda ay xifaaltamaan kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga todobaadkii 21-aad ee xilli ciyaareedka.


Kooxda Inter Milan ayaa ku guulaysatay in ay sii xejisato booskeeda labaad kadib markii ay si dirqi ah kaga badisay Milan gool nadiif ah oo uu u dhaliyay xiddiga reer Argentine ee Lautaro Martinez.


Inter Milan ayaa dhalisay goolka 1-aad qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 34-aad waxana u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo gool madax ah dhaliyay kadib baas uu ka helay xiddiga akan Chalhanoglu.


Natiijadan ayaa keentay in Inter Milan gaadho 43 dhibcood waxana ay ku jiraan kaalinta 2-aad halka ay Inter ku jirto kaalinta 6-aad iyaga oo leh 38 dhibcood.

Post a Comment

0 Comments