Kooxda Ac Milan ayaa tallaabo Rasmi ah u qaaday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Roma ee Nicolo Zaniolo kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe.
Ac Milan ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada oo Milan doonayso in ay saxiixiisa ku garaacdo Kooxda Arsenal.
Gunners ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay lala xidhiidinayay saxiixa xiddiga iyada oo Arteta doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe.
Dalabka Ac Milan ka gudbisay Zaniolo ayaa ah mid amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyada oo qaab toos ah ula wareegi doonta xiddiga xagaaga dambe.
Saxafiga Rudy Galetti ayaa sheegay in uu xiddiga reer Italy doorbidayo in uu ku biiro kooxda Ac Milan halka uu ku biiri lahaa koox kale.
Xiddiga aya doonaya in uu sii joogo horyaalka Talyaaniga halka uu ka tagi lahaa kuna biiri lahaa koox ka baxsan horyaalka Talyaaniga.
0 Comments