Dhirbaaxo: Mikel Arteta Oo Ka Nixiyay Taageerayaasha Arsenal, Gabriel Jesus Ayuu War Ka Soo Saaray.

Arsenal


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Gabriel Jesus garoomada ka maqnaan doono wakhti ka badan intii la filayay.


Gabriel Jesus ayaa la filayay in uu garoomada ka maqnaado ugu yaraan 3 bil kadib markii uu maray qaliin jilibka ah kadib dhaawac ka soo gaadhay koobkii adduunka.


Jesus ayaa la filayay in uu garoomada ku soo laabto bisha March ee soo socota laakiin Arteta ayaa xaqiijiyay in dhaawaciiso ka halis badna yahay sidii markii hore la filayay.


Mikel Arteta oo ka hadlaya soo laabashada Gabriel Jesus: “Waxaan rajaynaynaa in aanu Gabriel dib u heli doono bilihii ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka”.


“Dhaawacu waxa uu haa mid ka halisan sidii markii hore la filayay sidaas darteed waxa uu maqnaan doonaa wakhti ka badan intii la filayay”.


“Wuxuu sameyn doonaa wax walba oo uu awoodo si uu u soo gaabiyo wakhtiga, laakiin muddo ayyuu naga maqnaan doonaa”ayuu sii raaciyay.

Post a Comment

0 Comments