Real Madrid Oo Ka Faa`ideysanysa Xaaladda Cakiran Ee Juve, Xiddig Ayay Ka Doonayaan

 

Real iyo Juva

Real Madrid ayaa go`aan ku gaartay in si dhab ah u galaan suuqa jiilaalka oo maalmo ka dib xermaya waxa ayna isha ku hayaan xiddig jooga horyaalka Italy


Bogga Fichajes ayaa sheegaya in Real isha ku hayaan dalab rasmi ah oo ay ka geeyaan xiddiga Juventus ee Federico Chiesa kaasi oo xitaa hadii  bishaan helin ay doonayaan in  ay soo xero giliyaan xagaaga


Hishiiska Federico Chiesa ee Juve ayaa ku siman 2025-ka , haatan asaasi kama ah shaxda kooxda tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawac muddo uu la maqnaa oo uu la galay qalliin


Juve ayaa laacibkaan ku qiimeneysa aduun gaaraya  60 milyan oo euro , waxaana sidoo kale isha ku haya kooxo ay ka mid yihiin  Chelsea iyo Tottenham

Post a Comment

0 Comments