Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Phil Foden uu shaki ku jiro inuu taam u noqon karo kulanka jimcaha ee wareega afaraad ee FA Cup ay la ciyaarayaan Arsenal .
Xiddiga reer England ayaa seegay kulankii City 3/0 kaga badisay Wolves Axadii kana tirsanaa horyaalka premier League iyada oo ay ku bilowdeen shaxda xiddigaha Jack Grealish iyo Riyad Mahrez.
Kahor ciyaartii Axadii, Foden ayaa kaydka ku bilowday kulankii Tottenham ay Man City 4/2 kaga badisay horyaalka premier League iyada oo 57 daqiiqo ciyaaray kulankii Manchester Derby.
Isagoo la hadlayay warbaahinta ka dib guushii Axadii ay ka gaareen Wolves, Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in Foden uu ku dhaawacmay kulankii Manchester Derby.
Sidaas darteed xiddiga 22 jirka ah ayaan la hubin in uu ka qayb qaadan doono kulanka Arsenal ee jimcaha ka tirsan tartanka FA Cup-ka.
Xiddiga oo 13 kulan u ciyaaray premier League xilli ciyaareedkan ayaa dhaliyay 54 gool 37 kalena caawiye ka noqday 196 kulan oo uu u ciyaaray Kooxda Man City.

0 Comments