Liverpool ayaa marti u ah kooxda Brighton, waxa ayna kulankaan galayaan iyadoo xiddigo uu Diaz ku jiro ay ka maqan yihiin
Xogta Kulanka
*Brighton ayaa badisay kaliya hal kulan 11-kii kulan ee Premier League ay la ciyaartay Liverpool (3 bar-baro iyo 7 guuldarro) – 1-0 ayay kaga badiyeen garoonka Anfield bishii Febraayo 2021.
Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay martida u ahaayeen Brighton (5 5 guul iyo 5 bar bar dhac, iyagoo badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ay booqdeen Amex Stadium ee Premier League (hal bar bar dhac).
*Brightom ayaa dhalisay 32 gool 17 kulan oo ay ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan – laba laab in ka badan inta ay dhaliyeen marxaladan 2021-22
*Liverpool ayaa laga badiyay sedex kulan 7-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka , waana isla tiradii ay qasaareen 37 kulan hore
0 Comments