AC Milan Oo Xog Cusub Ka Bixisay Hishiis Kordhinta Leo Iyo Ismaël Bennacer

AC Milan


Agaasmaha kooxda  AC Milan ee Paolo Maldini ayaa ka hadlay xaaladda ugu dambeysay ee xiddigiisa Rafael Leo kaasi oo suuqa kala iibsiga aad looga doonayo .


Leo ayaa sameeynaya bandhig wacan taasi oo soo jiidatay indhaha kooxo kala duwan oo ay ugu horeeyso Real Madrid


Football Italy ayuu Leo ka yiri ” arinta hishiis  kordhinta Leo weli toos isuma aynu hor fariisan marka laga yimaado wicitaan dhanka muuqaalka mooyee”


“Waxaan rajeynayaa in aan xal ka gaarno , labada dhinac waxa ay u muuqdaan kuwo doonaya in xal la gaaro , waxaan isku dayaynaa in aan hor mar sameyno” ayuu sii raaciyay Paolo Maldini.


Paolo Maldini ayaa tilmaamay in saacadaha soo socda sidoo kale hor mar wacan laga sameynayo wadahadalka Ismaël Bennacer”


Milan ayaa dadaal ugu jirta in xiddigahaas qanadaraas fog ka saxiixdaan si looga hor tago damaca  murqo weyn kale .

Post a Comment

0 Comments