Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay sababta uu ixtiraamka weyn ugu hayo dhigiisa Liverpool ee Jurgen Klopp xilli ay labadooda dhinac markale kulan xiiso badan xalay ku wada ciyaareen Etihad Stadium
Reds iyo Sky Blues ayaa bar-bardhac 2-2 ah galay markale xilli ciyaareedkan xilli kaliya farqi hal dhibic ahi u dhaxeeyo kala sarreynta hoggaanka horyaalka oo midkasta oo kamid ahi guusha u ordayay
City ayaa laba jeer hoggaanka qabatay ka dib goolal ay dhaliyeen Kevin De Bruyne iyo Gabriel Jesus balse waxa labada jeer u kala jawaabay Diogo Jota iyo Sadio Mane.
Kulanka ka dib ayuu Guardiola sheegay inaysan asxaab wada casheeya oo markasta wada jooga ahayn Klopp balse uu isagu ixtiraam weyn u hayo maadaama oo uu isaga ka dhigo tababare siduu yahay ka fiican
Anigu ma garanayo haddii Jurgen Klopp uu i ixtiraamo laakiin anigu in badan ayaan ixtiraamaa isagu wuxuu iga dhigaa tababare sidaan ahaa ka fiican kooxihiisu waa kuwo kubad wanaagsan ad-adag waxaana ay doonayaan inay kusoo weeraraan waxaan isku dayaa inaan ku daydo ayuu hadalkiisa ku bilaabay Pep
Anagu saaxiib ma nihin ma wada cashayno balse maalin ayaanu kulan maamuuseed ku wada cashayn doonaa waan hayaa lambarkiisa balse ma waco isaga ixtiraam badan ayaan u hayaa wuuna ogyahay Sabtida dambe waxaanu isku dayi doonaa inaanu garaacno (Kulanka Semi-Finalka FA Cup)
0 Comments