Liiska Ciyaartoyda Liverpool Ee Kulanka Benfica Ee Caawa Oo La Shaaciyey

 

semi-finalka tartanka Champions League

Liverpool oo lug lasii gashay semi-finalka tartanka Champions League ayaa caawa garoonkeeda Anfield kusoo dhoweyn doonta Benfica oo ciyaartii hore ee Estadio da Luz ay 3-1 kusoo garaacday waxaanu Jurgen Klopp mar horeba dejiyey xeeladdii uu ku dhamaystiri lahaa shaqada qabyada  ka ah ee inteedii badnayd uu soo qabsaday ciyaartii hore

Ibrahima Konate Sadio Mane iyo Luis Diaz ayaa ahaa xiddigihii Liverpool siiyey guusha ciyaartii hore oo min hal gool u dhaliyey halka Darwin Nunez uu goolka madiga ah u saxeexay Benfica

Inkasta oo ay guul weyn soo gaadhay ciyaartii hore haddana Liverpool ma nasan doonto Caawa waxaanay lasoo shir tegi doontaa shax adag iyagoo dhinaca kalena ka fikiraya ciyaarta adag ee Axadda ay ku ballansan yihiin Manchester City oo ay wareegga semi-finalka FA Cup ku ciyaari doonaan garoonka Wembley

Jurgen Klopp ayaa shirkiisii jaraa’id ee ka hor ciyaartan waxa uu ku sheegay in aanay jirin wax dhaawacyo ama xanuun ah oo ku cusub kooxdiisa hase yeeshee waxa uu qirtay inay jiraan ciyaartooyo daallan

Sidaas oo ay tahay Thiago Alcantara ayaan lagu arag tababarkii ugu dambeeyey ee kooxdiisa inkasta oo uu dheelay 90 daqiiqadood ciyaartii Manchester City ay barbarraha 2-2 wada galeen Axaddii waxaana suurtogal ah in kubbad sameeyaha reer Spain la nasiyo caawa si uu diyaar ugu noqdo kulanka Axadda ee semi-finalka FA Cup

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Benfica ee caawa

Goolhayeyaal: Alisson Becker, Caoimhin Kelleher, Adrian, 

Difaacyahannada: Andy Robertson, Ibrahima Konate, Joel Matip, Joe Gomez, Kostas Tsimikas, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk, Rhys Williams.

Khadka Dhexe: Alex Oxlade-Chamberlain, Curtis Jones, Fabinho, Harvey Elliott, James Milner, Jordan Henderson, Naby Keita, Thiago Alcantara.

Weerarka: Diogo Jota, Divock Origi, Luis Diaz, Mohamed Salah, Sadio Mane, Takumi Minamino, Roberto Firmino

Post a Comment

0 Comments