Shir looga hadlayo horumarinta hanaanka maaliyadda Soomaaliya ayaa furmay iyadoo shirkaas ay yeesheen wasaarada maaliyada soomaaliya iyo hay,ada lacagta aduunka, waxyabaaha laga wada hadlay waxaa kamid ahaa kor uqaadida siyaasada dalka iyo dhaqaalaha, xukuumada dawlada federaalka soomaaliya ayaa ah beryahanba mid u shaqaynaysa si aad u fiican oo furfurnaan badani kamuuqato iyadoo caalamkaba heshiis la ah.
Isagoo iftiimiyay furitaanka shirweynaha hannaanka dib u eegista iyo horumarinta hannaanka maaliyadda Soomaaliya, oo ubaaahan horumarin fiican wasiirka maaliyada soomaaliya cilmi maxamuud nuur ayaa sheegay shirkan inay laqaateen hay,ada lacagta aduunka oo ay kawada hadleen arimo badan oo ay ugu horayso koboca dhaqaalaha dalka soomaaliya iyo arimaha siyaasada dalka ee wakhtigan lajoogo.
Isagoo ku nuux-nuux saday hadalka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadashay muhiimadda shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, kaasoo looga hadlayo heerar siyaasadeed iyo dhaqaale. habka dib u habaynta isaga oo iftiiminaya hadalka Wasiirka in inta uu shirku socdo la iska kaashan doono xoojinta dhaqaalaha qaranka mustaqbalka dhow muuji oo muuji mahadnaq dadaalka dhammaan xubnaha dawladda cusub ee lagu xallinayo dhammaan dhibaatooyinka Soomaaliya.
Waxaynu odhan karnaa wasaarada maaliyadu waxay wadaa dedeaal aad u fiican oo jooga wakhtigiisa iyadoo shaqo hufnaan iyo dedaal badan samaynaysa beryahanba, waxaynu aragnaa xukuumada hada dalka kajirtaa waxay noqotay xukuumadii ugu fiicnayd ee 30 kii sanadood inasoo marta waayo waxay muda yar xaqiijisay waxqabadyo badan oo ay kamid yihiin horumarka dhaqaalaha iyo ladagaalanka argagixisada.
0 Comments