Shir deg deg ah oo ay dowladda Soomaaliya ka yeelatay qaraxyadii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay magaalada Beledweyne, ra,iisal wasaaraha soomaaliya oo arintaa kahadlaya ayaa sheegay in aan marnaba la joojin doonin adagaalka lagu hayo argagixisada alshabaab ilaa inta dalka laga ciribtirayo dhamaantii, waxaynu xoojin doonaa dagaalka aynu kula dagaalamayno cadawga umada shacabka ah ee soomaaliyeed.
Isagoo iftiimiyay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee soomaaliya xamza cabdi barre uu kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda ammaan ee magaalada beledweyne ee gobolka hiiraan, isagoo sheegay ra,iisal wasaaruhu in amaanka la adkayn doono cadawgana laga guulaysan doono ciidanka qaranka oo shacabka soomaaliyeed garab kahelayaana ay sii wadi doonaan dagaalka kadhanka ah argagixisada.
Sidoo kale waxaa magaalada baldwin ee gobolka hiiraan ka dhacay qaraxyo waaweyn oo ay fuliyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac, oo uu ku jiro Wasiirka Caafimaadka, ra,iisal wasaaraha ayaa balan qaaday in cadawga dagaalka lagula jiro lasii laban laabi doono sababtoo ah waxaa naga go,an inaanu kasifayno dalka argagixisada si umada soomaaliyeed nabad ugu noolaato.
Isagoo iftiimiyay in xarakadda Al-Shabaab ay fuliyeen qaraxyo waaweyn oo sababay dhimasho iyo dhaawac, oo uu ku jiro Wasiirka Caafimaadka oo sidoo kale burburiyay hantidii shacabka,faah faahin qaraxyada kooxda nabad diidka ah ee ka dhacay magaalada Baldwin ayaa tusaale u ah in ay ku fashilmeen in ay iska horkeenaan xoogaga dagaalka kula jira goobaha dagaalka, isagoo iftiimiyay in madaxweynaha Soomaaliya xasan sheekh maxamuud uu cambaareeyay qaraxyadii, isagoo tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, wuxuuna faray dowladda Federaalka inay daweyn u fidiso dadkii ku dhaawacmay, si loo muujiyo joogitaanka tiro badan oo ah hawlgallada xoraynta ee ka socda tiro ka mid ah gobollada dalka si looga takhaluso kooxaha argagixisada.
0 Comments