Midowga Yurub ayaa dib u cusbooneysiiyay taageeradii ay siin jireen Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada, iyadoo taas lagu tilmaami karo isbedel cusub soomaaliya samaysay, waxay xukuumadani gaartay guulo taariikhi ah oo aan hore loo gaarin.
Isagoo iftiimiyay dib u cusboonaysiinta taageerada Midowga Yurub iyo garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee dadaallada socda ee lagu xoraynayo bulshooyinka muddada dheer ku dhibaataysnaa xukunka kooxda xagjirka ah ee “Al-Shabaab” kooxdaas oo hada usii muuqata inay meesha kasaareen ciidamada xooga dalka soomaaliya oo kaashanaya shacab waynaha kudhaqan halkaas.
Isagoo iftiimiyay in Midowga Yurub uu caddeeyey doorkiisa ah inuu yahay taageere adag oo ku aaddan geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha taabagelinta nabadda iyo amniga.si aan u iftiimino in tallaabadani ay ka mid tahay tillaabooyinka ugu muhiimsan ee looga sifeynayo xarakada Al-Shabaab, isla markaana uu dhammaadkoodu dhow yahay, in la muujiyo dadaalka uu wado madaxweynaha Soomaaliya iyo in uu sabab u yahay dhammaan tallaabooyinkan looga takhalusayo argagixisada.
Madaxwaynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud iyo xukuumadiisa ayaa guulo lama filaan ah kagaaray dagaalada ay kula jiraan ururka alshabaab oo ay ciidamada qalabka sidaa kaqabsadeen neelo badan welina ciidamadu kujiraan hawl galada ay kaga saarayaan meel kastoo ay joogaan, waxaa guul taariikhi ah noqotay sida madaxwayne xasan sheekh uu uqaatay go,aanka geesimada leh ee lagu ciribtirayo argagixisada.
0 Comments