Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay xoojiyaan dadaallada lagu caawinayo Soomaaliya, kadib markii arkeen in soomaaliya ay noqotay dal dib usoo noqonaya oo madaxwayne horumarku kago,anyahay uu qabsaday, waxaa marag madoon ah madaxwayne xasan sheekh soo celiyey sharaftii dalku lahaa kana sifaynayo argagixisadii sharafta dalka iyo dadka kaqaadi jirtay.
Isagoo si gaar ah u iftiiminaya baaqii Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa sheegay in loo baahan yahay dadaallo wadajir ah iyo garab istaagga beesha caalamka si kor loogu qaado dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Soomaaliya soo food saartay, lana yareeyo saameynta ay ku yeelan karto shacabka Soomaaliyeed iyo saameynta ay ku yeelan karto xuquuqul insaanka, muhiimada baaqan baa ahaa in soomaaliya la is garabtaago.
Sidoo kale, waxay ku nuuxnuuxsatay baaqeeda khudbad uu ka hor jeediyay golaha xuquuqul Insaanka oo uu ka jeediyay Ergeyga Joogtada ah ee Boqortooyada midowday ee boqortooyada midowday ee Qaramada Midoobay u fadhiya Geneva, Danjire Abdulmohsen bin khathela, si loo xoojiyo dadaallada iyo xoojinta taageerada bini'aadantinimo ee la siiyo Soomaaliya, dadaalka lagu yareynayo caqabadaha bini'aadantinimada iyo kor u qaadista xaaladda xuquuqda aadanaha in la muujiyo sheegashada Golaha Iskaashiga Khaliijka ee ku aaddan taageerada iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo gaaro barwaaqo iyo xasillooni, xaqiijisana gudashada waajibaadka ka saaran qawaaniinta caalamiga ah, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
In la muujiyo ammaanta dadaalka iyo dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee ay Dowladda Soomaaliya ku bixineyso horumarinta xaaladda xuquuqul insaanka ee dhulkeeda, iyo iskaashiga joogtada ah ee ay la leedahay hababka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, dalka soomaaliya ayaa hada laga dareemayaa badankiisa xasilooni buuxda iyo nabad gelyo iyagoo ciidamada dawladu gacanta kuhayaan deegaanadii laga qabsaday alshabaab.
0 Comments