Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada iyo shacabka ku taageeray dagaalka.

hadalkii xasan sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada iyo shacabka ku taageeray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo intaas raaciyey in ay muhiim inoo tahay iskaashigu waayo cadawga ayaynu u midoobaynaa dalkeena iyo dadkeena dhibaatada badan kahaya, isagoo balan qaaday inay ciidamada xooga dalka soomaaliyeed siiwadi doonaan hawlgalada joogtada ah ee lagusoo afjarayo argagixisada.


Isagoo si weyn u iftiimiyay hadalkii madaxweynaha Soomaaliya xasan sheekh maxamuud uu shalay ka jeediyay aaska Sarreeye guuto farxaan qaroole oo sheegay in dalka uusan maanta lahayn cadow aan ka ahayn dagaalyahannada Al-shabaab, waxaan idiin sheegayaa cadawga waynu ka guulasanaynaa hadii aynu sidaas isugu duubnaano waayo ciidamadu waxay u baahan yihiin garab istaagiina si ay argagixisada idiinka xoreeyaan.


Isagoo hoosta ka xariiqay in madaxweynaha uu sheegay in Xarakada Al-shabaab ee qarxisa iyo cidda taageerta ay yihiin isku cadow, isagoo hoosta ka xariiqay in madaxweynaha uu ballan qaaday inuu ka hortagi doono argagixisada isagoo iftiimiyay ballan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa in la garab istaagi doono ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee la dagaalanka argagixisada hoos ka daawo dadaalka madaxweynaha uu ugu jiro xalinta dhammaan dhibaatooyinka Soomaaliya.


Madaxwayne xasan sheekh maxamuud ayaa dhiiri gelin buuxda ujeedyey ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed iyo shacabwaynaha ay taageerada kahelayaan, isagoo sheegay in dalku cadawgaas keliya leeyahay kaasna hada laga takhalusi doono hadii sidaas la isugu duubnaado shacab iyo ciidanba madaxwaynaha ayaa balan qaaday in dalku xasili doono shacabkuna kunoolaan doonaan nabad gelyo iyo kala dambayn buuxda.



 

Post a Comment

0 Comments