Jasiirada sacaadadiin ayaa ah mid aad ugu haboon dalxiiska iyadoo sanadkii lagu kasban karo dad badan oo dalxiisayaal ah hadii xooga lasaaro in sifiican loo dhiso oo laga sameeyo hotelo aad u waaayn iyo meel lagu nasto, iyadoo dhamaan lagasameeyo dhamaan meelihii dadku kudalxiisi lahaayeen iyo dhul badan ay ku nastaan marka ay dalxiiskooda dhamaystaan badanaa, waa fursad aad u dahabi ah oo u baahan in laga faa,iidaysto.
Dunida marka aad eegto dawladaha caalamka dalba dalka uu kadhaqaale fiican yahay casrigan waa dalka uu kadalxiis fiican yahay, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in laxoojiyo goobaha dalxiiska ku haboon ee dalkeena hooyo kuyaala sida jasiirada sacaadadiin oo kale, fikir ahaan waxaan aaminsanahay in jasiiradani ay tahay meelaha ugu quruxda badan dalkeena iyadoo loo baahanyahay wakhtigan in laga shaqeeyo si dhaqaale balaaran looga sameeyo.
Waxa keliya ee dunida la isku dhaafay wakhtigan waa goobaha dalxiiska dalkastaa inta uu leeyahay iyadoo dalkeena uu leeyahay meelo badan oo ku haboon dalxiiska, muhiimaduna tahay in aynu kafaa,iidaysano dhulkeena, marka dalxiiska kor loo qaadayo waxaa lagama maarmaan ah in xoooga in lahuro ama lagu maalgeliyo dhaqaale badan amnigana kor loo qaado si ay dalxiisayaashu naftooda ugu aamini karaan goobta dalxiisku meesha ay kutaalo.
0 Comments