Dukaankii roodhida lagu iibiyey ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyneyey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ee la odhan jiray Maxamed Cumar Huryo Ahun) uu ku sifeeyey sidan, markay socodka damacdee!“ Deggenida tallaabada Miisaanka lagu daray Laafyaha la daawado Dadku waxay yiraahdaan: May daarin ciidee Indho deeraleeyey waxay ahay, Cilmi waxa uu ah inan dhalinyaro oo miyiga berbera ka yimi suu shaqo u helo, iyo nin ayaa u dheertahaya adkee iyo xoog alle u dhameeye waxuuna jecalaa markuu firaaqda yahay in uu aad waxa u Qoro,gabaygiisii ugu horeeyay waxuu ah ,nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye, Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timiye,Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga dhaabay, Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye, Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhaawac weyn qaba e, Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daa’uude!kala dhimaney dhool aadaneey aniyo dhaameele..buu yiri ninkii cilmi. lafyahagan sidii han gool hiraryada jiinay.
Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshaddii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noqday nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolxumo loo arkayey qofkii laga maqlo „Caashaq baa i haya“. Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan jirey mid uu jiinni derderay. Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay. Nin wed galay looma taag helo gabaygiisii labaad gabaygan waxa uu u tiriyay dadkii isga marka ku hareeraysnaa oo aan jacayl macneheeda garanayn.
Caashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye Carruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye Cidla‘ lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe Waxaa qaarba cayn looga dhigay hays cajebiyeene Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene Oo ima canaanteen sidaan Cuudka iibsadaye Kuwii ii calaacalayey baan camal tusalayne Sida weelka caanaha haddii laabta loo culayo Bal aan soo ciddaadee maxaa cunaha dhaafaaya Inanse cadaydo mooye waxaan calalsho lay diidye Cududuhu manaaxaan hadaan caafimaad jidhine Cilmigey wadaaddadu qodheen ceyn kunoqon waaye Markan inaan caddaadaan kabiqi canab daraaddeede.
0 Comments