Taariikhda magaalada burco ee gobolka togdheer oo faah faahsan iyo warkeeda.


taariikhda magaalada burco
Burco (af ingiriisi: Burao, af carabi: ) waa magaalo ku taala gobolka Togdheer ee dalka Somaliland. Burco waa caasimada Labaad ee dalka, waliba waa magaalo qiima badan leh kadib markii shir lagu qabtay oo lagu aasaasayay jamhuuriyadda Somaliland, Togga Togdheer ayaa magaalada dhexmarta oo laba u qaybisa marka ay roob dhacdo, laakin laba biriij ayaa isku xidha labada qaybood ee magaalada: Biriija Cusub iyo Deero Bridge, ninkii ugu horeeyay ee burco guri daara ka dhista wuxuu ahaa nin la odhan jiray cabdiqani (alcimraania) kana soo jeeda beel waynta maxamed sh.isxaaq.



Markaynu ka hadlayno beelaha ama qabaa'ilka daga Somaliland, Burco waxaa si gaar ah u daga lix beelood. Waxay kala yihiin iyo Habar Jeclo iyo beesh cimraan oo ah darawiishta labadaa beelood ayaa ugu badan beelaha daga magaaladasi. Hase yeeshee waxa kaloo dega in yar oo beesha Ciise Muuse iyo Arab ah iyo Fiqishiini oo ka tirsan beel-weynta Hawiye, iyo beelaha Gabooyaha. Dhammaan beelahaasi waxay si guud uga wada shaqeeyaan danta magaalada iyo dalka.



Muuqaalka guud ee magaalada Burco waa mid aad u wanaagsan wakhtigan xaadirka ah, marka loo eego xiliyadii hore ee ay Burco soo martay. Guud ahaan magaalada waxa ka socda dhismayaal kala duwan, waana magaalo koriinkeedu socdo oo ay marba marka ka dambaysa wax ku kordhayaan,
magalaada burco waa magaalo ku caana dhinaca waxbarashada sababtoo ah waxa ka soo jeeda magaalada burco aabihi waxbarashada soomaaliyeed maxamuud axmed cali Magaalada.


burco aad ayey ugu fiicantahay waxbarashada marka loo eego dagaaladii iyo qalaasihii ay kaga danbaysay dalka intisa kale waxaana ku yaala dugsiyo ilaa 200 dugsi oo isugu jira Hoose, dhexe iyo 116 dugsi oo ah kuwa sare iyo sideed jaamacadood oo ah University of Burao iyo togdheer University iyo golis university alpha University shifo University new generation University najah University abarso teach University. Dadweynaha reer Burco waxaad moodaa inay aad wax u bartaan oo ay waxbarashada wadaan guud ahaan marka aad eegto qiyaasta dadka wax barta waxaan odhan karnaa waa ilaa 70% oo u badan dhallinyaro. waxaa ka jira dugsiya badan oo gaar loo leeyahay sida Smart primary and secondary school,Ilayska Togdheer Schools.


Iftin,faaruuq,cabdalenuuri,iwm,hadaba markaynu eegno dugsiyadaa waxaad moodaa inay ka anfac badan yihiin kuwa dawliga ah ama public ah sida schoolka smart oo kale waxa ay ardaydiisu muujiyeen dadaal aad iyo aad u heer sarreeya,waxa jira qiimayn lagu sameeyo ardayda ka qayb gasha imtaxaanaadka fasalada 8aad ee dugsiga dhexe halkaas oo ay wasaarada waxbaashadu soo gudbiso 10ka arday ee uguu sarreeya imtaxaanka hadaba guusha uu ka gaadhay schoolka smart imtaxaanaadkaas maa ha kaliya guul u soo hoyatay dugsiga ama schoolka hase ahaatee sidoo kale waxay guul u soo hoyatay gobolka togdheer oo uguu faanidoona gobolada kale ee wadanka. Burco aad ayey u wanaagsantahay waxbarashada balse waxa siweyn loo eedeynayaa wasaarada waxbarasahada oo dadka markaad weydiiso Waxbarasahda gaarka ah iyo Xukuumada tee baa fiican waxa qiraal ah inay tan gaarka ahi aad uga horeyso ta kale.













 

Post a Comment

0 Comments