Ra,iisal wasaaraha ayaa sheegay In la iftiimiyo in kulanka uu ku saabsanaa dardargelinta howlaha la doonayo in looga hortago in hay’adaha cadaaladda dhexe ay sii burburaan iyo in la helo garsoor madaxbannaan oo soo celiya kalsoonida shacabka, waxa kale oo uu ra,iisal wasaare xamse yiri dalkeena inaga uun baa horumarin karna ee cidkale oo aynu sugnaa majirto sidaa darteed waa in aynu kashaqaynaa cadaalad iyo garsoor lagu kalsoon yahay.
Isagoo Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo heli lahaa garsoor madax-bannaan oo dammaanad qaadaya midnimada bulshada Soomaaliyeed, maadaama cadaalad-darro ay sabab u tahay burburka qaranka, isagoo iftiiminaya hadalkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in (Tiirka cadaaladda iyo garsoorka madaxbanaan, oo ka mid ah lixda tiir ee barnaamijka dowladnimada qaranka, waxaana ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan in dib u eegis lagu sameeyo shuruucda iyo siyaasadaha muhiimka u ah in la helo nidaam hufan oo madax bannaan.
Garsoorka, iyo dhameystirka heshiiska siyaasadeed ee geeddi-socodka, adeegga garsoorka iyo garsoorku waxay fududeeyaan oo ay dhiirigeliyaan xallinta khilaafaadka ku saleysan sharciga soomaaliyeed iyo hirgelinta maamul wanaag ku saleysan, ra,iisal wasaaraha ayaa kashaqaynaya sidii loo heli lahaa garsoor cadaalad kudhisan oo ay yeelato dawlada federaalka soomaaliya, isagoo sheegay in balanteenu tahay horusocod iyo iskutashi buuxa hadii aynu nahay shacab iyo xukuumad ba.
0 Comments