Markii la fasiro erayga “Love” Af Soomaali “Jaceyl” wuxuu noqonayaan sidaan; (J) jawhar (A) amakaag (C) calaacal (E) enfariir (Y) yaab (L) luul, hadaba qof walbaa inuu fahmo jacaylka dhabta ah weey adag tahay, maxaa yeelay qof aanan weligiisba wax si dhab ah u jeclaanin, ma dareemi karo qof kale dareenkiisa.
Qofka uu haleelo jaceylka dhabta ah wuu ka duwan yahay qofka kale. Haddii qofkaasi uu arko qof kale oo isaga si dhab ah u jecel, wuu dareemi karaa dareenkaasi, ka waran haddii aad jeclaato qof aananba aqoonin jaceylka dhabta ah iyo dareenkiisa waxa uu yahay? jawaabta macquulka ah: Aad beey u adag tahay inuu fahmo waxa aad ka hadleyso,dad badan ayaa waxayba moodaan in jaceylka dhabta ah uu yahay in la isguursado oo kaliya, kadibna sariirta lagu wada raaxeysto. Laakin taasi lama dhihi karo jaceyl dhab ah.
Ka waran qof aadan aqoonin, dabeecadiisa, dhaqankiiisa, kaftankiisa, naxariistiisa, siduu noqon karaa dareenkaaga, markaad adiga iyo asiga qol wada tagtaan? Jawaabta macquulka ah: Waa dareen naxdin leh, oo aadan aqoonin halka ay ku dhamaaneyso,gabaryaheey guurso nin si dhab ah kuu jecel oo dareenkaaga fahmi karo, habeenka aad la aqal galeyso aad ku faraxasantahay la kulankiisa, hadaad fiiriso hantidiisa oo kaliya noloshaada ma noqon doonto mid farxad leh, nin aadan ku qanacsaneyn inaad hoos jiifato waxa ka dhalanayo waa uun sheeko murugo leh iyo qalbi jab. Imisa gabdhood ayaa jiro oo qabo nin hanti leh misana qalbiga ka gubanayo? Imisa gabdhood ayaa jiro oo aanan ku qanacsaneyn nolosha iyo raaxada ninkeeda?
0 Comments