Qariirada dalka soomaaliya khayraadkeeda iyo qorshaha xukuumada joogta hada.

qariirada soomaaliya.
Tani waa qariirada dalwaynaha soomaaliya ee dhaca geeska afrika kaas oo leh webiyaal iyo bada ugu dheer geeska waxaynu odhankarnaa waa dalka ugu hodansan xaga khayraadka mandaqada uu kuyaalo marka loo eego, waayo waa dal uu dihin yahay khayraadkiisu oo aan weli wax macdan ama shidaal midna lagasoo saarin, intaas waxaa dheer in baadhitaano hor dhac oo lasameeyey lagu ogaadey inuu dalka kujiro shidaal ama saliid badan.


Wadamada jaarka oo u badan qaar aan lahayn wax khayraad lasheegi karo ama qaarkood bilaa bad yihiin ayaa dhowr jeer iskudayey inay meel uun usoo maraan macdanta iyo khayraadka dalka soomaaliya iyadoo shacabka soomaaliyeed yihiin qaar laga mari karin dhinaca wadankooda ilaa maalintii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliya waxaa dalka difaaciisa ku hawlanaa shacabka
soomaaliyeed.



Sikastaba ha ahaatee waxaa hadana imika lagu hawlan yahay sidii dalkan looga saari lahaa khalkahlka siyaasadeed ee loosoo waaridey, iyadoo ugu horayn xukuumadan cusubi xooga saarayso amniga wadanka, shacabka soomaaliyeed ayaa beryahan dambe ciidanka u muujiyey is garab istaag balaaran oo hiil badan kamuuqdo, mararka qaar waxaa dhacda inay kooxo shacab ah ka barbar dagaalamayaan ciidanka xooga dalka.



Madaxwayne xasan sheekh maxamuud oo beryahan dambe aad ugu hawshaysan dagaalka gobolada qaar kadhacaya ayaa ciidanka usameeya dhiirigelin balaaran si ay cadawga uga guulaystaan markasta,
unasii wadaan dagaalada joogtada ah ee ay kula jiraan argagixisada dalka qasaysa, waxaynu odhan karnaa madaxwayne xasan sheekh waxa uu qaatay go,aan geesinimo mudan una baahan in lagarab istaago.

Post a Comment

0 Comments