Dariiqa wanaagsan ee dallacsiinta guulaha uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo hooyay booqashadiisa Mareykanka, si loo muujiyo in ay jiraan miro muhiim ah oo ay Soomaaliya ka guratay booqashadii madaxweyne xasan sheekh maxamuud uu ku tagay dalka Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha, iyadoo halkaas guul lataaban karo uu horseeday madaxwaynuhu.
Isagoo iftiimiyay in Sheekh Maxamuud uu watay faylal ay ka mid yihiin ammaanka, dhaqaalaha iyo abaaraha, intii lagu guda jiray doodihiisa uu ku raadinayo kaalmada Mareykanka si uu u gaaro himilooyinka loo igmaday isagoo gaaray "Soomaaliya xasilloon."waxaynu odhan karnaa wuxuu madaxwayne xasan kala hadlay madaxda maraykanka waa arimo muhiim ahaa oo dalku ubaahnaa wakhtigan lajoogo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dalka laga badbaadiyo macluusha iyo argagaxisada uu yahay mid diiradda lagu saarayay wada hadalladii uu la yeeshay madaxda Mareykanka, isagoo hoosta ka xariiqay in booqashadii ugu dambeysay uu agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ku tilmaamay mid guul iyo midho dhal ah, sababtoo ah Soomaaliya waxay gaartay guulo dhowr ah.
Eberls ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu kasbaday maamulka Mareykanka islamarkaana uu ku qanciyay siyaasadiisa la dagaalanka argagaxisada muddo afar bilood ah, taasi oo si tartiib tartiib ah ugu guuleysatay qorshaha amniga Soomaaliya, kaas oo loo baahanyahay xooga lasaaro dalku u helo xasilooni buuxda shacabkuna ugu noolaadaan nabad qab balaaran oo waarta muhiimna tahay in dalka dhamaan nabdoonaado.
0 Comments