Shir deg deg ah oo ay yeesheen golaha wasiirada ayaa looga hadlay xoojinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada, isagoo iftiimiyay in ra’iisul wasaaraha soomaaliya xamzah cabdi barre uu maanta shir-gudoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaas hada larabo in lagasoo afjaro dalka sababtoo ah waxay dhibaatooyin xiriir ah ku hayaan shacabka soomaaliyeed.
Soo jeedinta kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha xoreynta deegaanada ay argagixisada ka jirto, iyo xasiloonida deegaanada la xoreeyay, si dadka deegaanka ay u helaan adeeg bulsho. isagoo Ra’iisul wasaaruhu ku dheeraaday ammaanta ay u hayaan ciidamada geesiyaasha ah ee gacan ka geystay sidii dadka deegaanka looga xoreyn lahaa deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in bulshada lagu wacyigeliyo qorshaha xoreynta dalka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa ra’iisul wasaare xamza cabdi berre uga mahad celiyay laamaha amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed habeen iyo maalinba dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga shacabka, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay sidii dalka looga xoreyn lahaa dhammaan kooxaha argagixisada ah, xukuumadan cusub ayaa bilowday tan iyo markii ay talada dalka lawareegtay dagaalo iyo hawlgalo ay kula jirto argagixisada oo ay wakhtigan larabo in lasoo afjaro.
Isagoo soo bandhigay dadaallada Madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda cusub ay ugu jiraan sidii looga takhalusi lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan,
beryahan dambe waxaa kasocda gobolada dalka qaar hawl galo malateri oo ay wadaan ciidanka qaranka soomaaliyeed kuwaas lagu ugaarsanayo argagixisada dalka iyo dadka soomaaliyeed ee shacabka ah dhibaateeya.
0 Comments