Hadalkii madaxwayne xasan sheekh ka jeediyey safarkiisii dalka maraykanka.

hadalkii xasan sheekh.
Madaxwaynaha dawlada federaalka soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa safar uu kutegay dalka maraykanka waxaa uu kulamo laqaatay jaaliyadda soomaaliyeed ee dalkaas kudhaqan isagoo waxyaabo badan halkaas kaga hadlay, waxayabahaas waxaa kamid ahaa in xukuumadiisu dagaal adag kula jirto ururka alshabaab lana sii wadi doono dagaaladaas ilaa inta argagixisada wadanka laga sifayn doono.


Xasn sheekh maxamuud madaxwaynaha soomaaliya ayaa mar uu hadalkiisa watay waxa uu sheegay inaanu ogolaan doonin in somaliland ay gooni isutaagto iasagoo sheegay in dalka soomaaliya yahay dal keliya loona yeelayn waxa ay rabaan shacabka reer soomaaliland madaxwayne xasan sheekh hadalkaa yiri mar uu shir laqaadanayey jaaliyadda dalka maraykanka kunool ee soomaaliyeed, oo kusoo dhaweeyey halkaas.


Hadalka madaxwayne xasan sheekh ee kuwajahan soomaaliland ayaa dadka qaar in si u aragtay, iyagoo reer soomaaliland u arka dagaal horleh iyo kala fogaansho cusub oo uu bilaabay madaxwayne xasan halka dadka qaarna u arkaan inuu madaxwaynu hadalkaas ku degdegay oo aan lajoogin wakhti arimahaas laga hadlo in aan lajoogin sababtoo ah waxaa kahoreeya arimaha somaliland dhisida koonfur.


Dhinaca kale ciidanka dawlada soomaaliya ayaa dagaalo adag kula jira ururka argagixisada ah ee alshabaab oo ay beryahanba isku dagaalayeen gobolka hiiraan, isadoo xukuumada xasan sheekh ay kago,antahay in ay katakhalusaan alshabaab, shacabka deegaanadaas iyo ciidanka qaranka oo iskaashanaya ayaa deegaano badan kaqabsaday ururka alshabaab iyadoo maalmahan dambe laga gacan sareeyey alshabaab.


 

Post a Comment

0 Comments